Golaha Amanka Cod qaraar ah u qaadaya Arinta Qudus

Wararka Maanta

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay maanta u codeeyaan go’aan qaraar ah oo ku saabsan xaaladda Qudus, in ka yar laba toddobaad ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u aqoonsaday magaalada caasimadda ee Israel.

Trump ayaa ku dhawaaqay go’aanka 6-dii Diseembar, isaga oo sidoo kale sheegay in Maraykanka safaaradiisa Tel Aviv loo wareejiyo magaalada Qudus.

Si kastaba ha noqotee, qaraarka ay golaha u gudbisay dawlada Masar oo ay heshay warbaahinta Aljazeera ayaa lagu sheegin magaca dawlada Maraykanka, iyaga oo sheegay inay “aad uga xuntahay go’aamada dhawaan la xidhiidha xaaladda Qudus”.

Wariyaha Al Jazeera, Mike Hanna, oo ka soo waramaya xarunta QM ee New York, ayaa sheegay in la fahamsan yahay in dalalka sida Masar iyo UK ay rabaan in ay isku dayaan sida ugu macquulsan – oo ay doonayaan inay Mareykanka ka ilaaliyaan Golaha Ammaanka si aysan u isticmaalin awooda qayaxan ee Veto ga “