Bulshada Cadaado oo si isxilqaan ah ku dhisaya Xerada CXD Qeybta 21aad (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Duleedka Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa ka socda dhismaha xerada Taliska ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21aad, dhismaha xeradan ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisaya bulshada Cadaado.

Maanta ayaa halka dhismuhu ka socdo waxaa booqday Abaanduulaha Qeybta 21aad, Gudoomiyaha Degmada Cadaado, xildhibaano, Saraakiil iyo guddiga howsha wada.

Dhismaha xeradan ayaa ka kooban Bakhaarada keydka hubka, xafiisyo, Hallkii shirarka , darbi 4km oo wareega iyo guryihii saraakiisha qaybta loogu talagalay inay degaan. sidoo kale Taliska Qeybta ayaa balanqaaday in ay ka qeyb qaadanayaan.

Bulshada Cadaado oo isku tashtay ayaa sidoo kale dhul balaaran siiyeyey taliskayada ciidamada Booliska, NISA iyo Asluubta.

Aragtidaada ka dhiibo