Aqalka Sare oo War kasoo saaray Shirka Xaraashka Shidaalka Soomaaliya

Wararka Maanta

Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay Shirka khamiista todobaadkaan lagu wado in lagu qabto London kaas oo looga hadlayo Shidaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Guddiga waxaana ku saxiixan Guddoomiyaha Guddigaasi Senetor Ilyaas Cali Xasan.

War Saxaafadeed
Shirka Xaraashka Shidaalka Soomaaliya Ee London

Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee dareenka xoogan kamuujiyey shirka ka dhacaayo 7da bishaan February magaalada Lonodon, wadanka UK, oo ay wado Wasaarada Petrol-ka kaas oo lagu Xaraashaayo Shidaalka, waxaana u cadeynaayaa in uusan shirkaasi aheyn mid waafaqsan sharciga uyaalo dalkeena sida ku cad qodoboda hoos kuqoran:

  1. Sharcigii (Petroleum Law)ga oo aan weli Baarlamaanka ansixin iyadoona aan weli la sameyn dhammaan shuruucdii kale ee lagu maamuli lahaa soo saarista kheyraadka, sida sharciga Maalgashiga, sharciga dhowrista Deegaanka iyo sharciga Canshuuraadka.
  2. Sida ku cad Qod-44aad ee Dastuurka oo qeexaaya habraaca qeybsiga Kheyraadka oo aan dhamaystirneyn iyadoona la ogyahay in khilaaf udhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe.
  3. Wakaalada iyo Shirkada Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed oo aan ladhisin, maadaama ay yihiin hey’adihaha madax banaan ee xaqa uleh maamulidooda iyo hay’ado kor-joogteeyntooda.
  4. Daah-furnaan la`aanta kajirta dhinaca Wasaarada Petrolka iyo Shirkadaha lasheegey in ay baareen
    xogta kheyraadkeena oo ka faa’ideysan kara aqoon yarida xogta saxda ah shidaalka aan ka heysano iyo gelida heshiisyo oo marxaladdaan dib u kabashada ee Soomaaliya oo taxadir xoog leh u baahan.
  5. Kafiirsasho la`aanta Xaraashka Shidaalka oo sababi karta in heshiiso qarankeena halis ku ah la galo, iyadoo aan weli dhidibada loo taagin tiirarkii iyo sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa taasoo keeni
    karta inuu noqdo mid saameyn iyo raad dhib badan ku reebo Jiilalka danbe ee dalkeena.
  6. Ugu danbeyn sida haddaba ka taagan shirkadihii la la galey heshiisyadii shidaal baarista ee 80-aadkii
    sidoo kaleed Xaraashkii Kaluunkeena lagu sammeeyey oo xaalufintiisu ay Badeena kasocta, waxaana
    cadeyneynaa wax kasta oo ka dhasha heshiisyo aan laga fiirsan in ay masuuliyadeeda qaadan doonta
    Xukuumada Federaalka ee xiligaan gaar ahaana Wasaarada Petrolka iyo cid kasta oo kulug yeelato.

Mahadsanidiin

Senator Ilyas Ali Hassan
Gudoomiyaha Guddiga Keyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha, iyo Gaadiidka ee Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare