Gaadiidka dadwaynaha ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Jowhar oo shaqo joojin ku dhawaaqay

Wararka Maanta

Gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho ayaa bilaabay shaqo joojin,iyagoo ka cabanaya jidgooyooyin ay soo dhigteen ciidamada xoogga dalka.

Shaqo joojintan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dadweyne faro badan oo maanta doonayay inay u kala safraan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe.

Xaaji Jeelle Maxamuud Hilowle oo ah guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda ayaa sheegay in ciidamo ka kala amar qaata maamulka degmada Balcad iyo dowlada federalka ay dhigteen isbaarooyin ay ugaga qaadayaan lacago badan gaadiidka.

“Ma shaqeyn karno waayo lacagta wadada ku baxaysa ayaa ka badan lacagta laga qaado rakaabka.”ayuu yiri Xaaji Jeelle.

Waxaa saaka lagu arkayay boosteejada laga raaco gaadiidka ee magaalada Jowhar mootada loo yaqaan bajaajta oo u qaadeysa dad rakaab ah magaalada Balcad ee gobolka Sh.dhexe.

Dhinaca kale dadka ku nool deegaanka Qalimow ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ku hayaan dadka ku nool deegaankaas ciidamo Milatariga ee saldhigyo ka sameystey deegaankaas.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in saaka mid ka mid ah ciidamada milatariga uu ku diley deegaanka Qalimow qof shacab ah,waxana la sheegay in askariga uu baxsaday.

Dadweynaha ku nool deegaanka Qalimow ayaa dhigay banaanbax ay ugaga soo horjeedaan ciidamada milatariga iyagoo ugu baaqay dowlada federalka inay laga raro ciidamada deegaankaas.