Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dalalka Ciidamada Amisom

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah ku tagaya dalalka Gobolka, si uu taageero milateri ugu helo guluf dagaal oo ay dowladiisu qorsheyneyso inay dhowaan ku qaado Al-Shabaab.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu booqanayo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti oo ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa qaadan doona afar cisho, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxda dalalkaas,

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Yoweri Museveni.

Uganda oo ah dalka ugu badan ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayuu ka codsan doonaa Madaxweyne Farmaajo, si ay uga qeyb qaadan laheyd gulufka dagaal ee lagu qaadi doono Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lugtiisa labaad ee safarkiisa ku tagi doona Jabuuti, waxaana uu ku soo qatimi doonaa Itoobiya.

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalalka Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti ayaa ah sidii dalalkan ciidamada ka jooga Soomaaliya uga qeyb qaadan lahaayeen dagaal saf ballaaran oo Al-Shabaab  lagu qaado, si looga saaro deegaanada ay ka taliyaan, maadaama ay door weyn ku leeyihiin AMISOM, waxaa lagama maarmaan noqotay in Madaxweynuhu goosto inuu safaro deg deg ku tago dalalkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday xerada Tababarka Jaziira, halkaasoo ay ku xareysan yihiin kumanaan askar, waxaana uu ku wargeliyay inay isu diyaariyaan guluf dagaal oo lagu qaado Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday inuu dagaalkaas hoggaamin doono oo uu diyaar u yahay in naftiisa ku bixiyo, isagoo ku booqan doona ciidamada furimaha dagaalka, waxaana uu u guuri doonaa Afgooye.

Weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux ayay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ka dambeyso weerarkaas, waxaana wixii weerarkaas ka dambeeyay madaxda dowladda sheegeen in dalka uu galayo xaalad dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta guluf dagaal oo lagu qaado Al-Shabaab, waxaana dhowaan is bedelo ku sameysay dhanka hoggaanka ciidamada, iyadoo la magacaabay Taliyeyaal ciidan, sida Taliyaha xoogga dalka, Taliyaha qeybta 12ka April iyo Abaanduulaha qeybtaas, hase ahaatee waxaa ay su’aal dul saaran tahay, sida dowladdu u qaado howl galkaan, maadaama Wasiir Gaashaandhig uusan dalka laheyn, kaddib markii Wasiirkii hore C/rashiid C/llaahi uu is casilay

@Jowhar.com