BBC Somali oo Tifaftire cusub yeelatay

Wararka Maanta

Laanta afSoomaaliga ee Bbc-da ayaa yeelatay Tifaftire cusub, waxaana jagadaas loo magacaabay Cabdullaahi Shiikh Cabdirisaaq oo ka tirsanaa wariyayaasha Bbc soomaali.
FB_IMG_1498864309092

Bbc Soomaali ayaa tan iyo 2012kii waxaa soo maray dhowr tifaftire, kadib markii tifaftirihii ugu waqtiga dheeraa Yuusuf Garaad oo iska casilay, isagoo xiligaas u tartamay madaxtinimada Soomaaliya.

Wariye  Cabdullaahi Shiikh Cabdirisaaq ayaa horey uga shaqeynayey xafiiska Bbc Nairobi.