Puntland dil ku fulisay 7 Nin

Wararka Maanta

Puntland ayaa Dil ku fulisay 7 nin oo Shabaab ku Eedeysnaa kuwaas oo kasoo Jeeday Koonfurta Somaliya.

Ragan oo hore Maxkamadda ciidamadu u xukuntay, waxaa faahfaahin ka bixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Col. Cabdullaahi Xirsi Cilmi.

Sidan ayuu u kala qaaday Todobada Nin.

Shantan nin ayaa qaraxyo lagu qabtay ayagoo Gaari ku wata bishii April 2017, magacyadoodu waxay kala yihiin:-

1. Cabbaas Ibraahim Yare Adam.

2. Ibraahim Maxamed Canshuur.

3. Dhaqane Cabdi Aadan Xasan.

4. Aadan Nuur Aada.

5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq.

Labada nin ee kale ee dil sugayaasha ahaa ee muddada labada sano ah dilka ku xukunaa ee maanta la diley ayaa magacyadooda lagu sheegay

1. Cabdulqaadir Maxamed Cali, maxkamaddu waxay sheegtey in uu diley 23 marxuum oo ay ku jiraan masuuliyiin.

2. Cabdixakiin Xasan Xaamud.