Munaasabad lagu maamuusayey sanadguuradii 57-aad ee Xornimada Soomaaliya iyo midnimada labada gobool , 1 Luulyo ayaa lagu qabtay xarunta dowlada Hoose Xamar.
Munaasabadan oo siweyn loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, gudoomiyaha gobolka Banaadir, safiiro iyo marti sharaf kale.
Madaxda ayaa goobta ka jeediyey khudbooyin ku aadan midnimada iyo xornimada Soomaaliya.