Alshabaab oo Weerar ku qaaday Awdheegle

Wararka Maanta

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa barqadii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Owdhiigle ee gobalka Shabeelllaha Hoose.

Weerarka oo ku bilowday Qarax gaari oo ay fuliyeen naftood hurayaal ayaa waxaa xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobta iyo qolyihii weerarka soo qaad.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jira dhaawac iyo dhimasho, in kastoo aan la helin tirade saxda ah ee wax ku noqotay Qaraxa iyo weerarka maanta ka dhacay degmada Owdheegle.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 Askari ay ugaga dhinteen dagaalka ciidamada dowlada iyo wariye sawir qaade ah oo lagu magacaabi jirey Gacal Cabdulle kaasoo u shaqeynayay idaacada codka ciidamada qalabka sida.

Hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerarkan oo ku bilowday isqarxin ay ku dileen illaa konton askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya.

Isha: Warbaahinta Gudaha

Aragtidaada ka dhiibo