Barlamaanka Galmudug oo go’aamiyey xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Cadaado xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug ayey uga doodeen xilliga si rasmi ah ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Fadhigaan oo u shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa waxaa soo xaadiray 52 xildhibaan, ilaa 28 xildhibaan ayaa aragtooda dhiibtay, iyagoo inta badan sheegay in aan la aqbali karin codsigii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, kaas oo ahaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigo muddo 45 cisho ah.

Xildhibaanada ayaa gabangabadii u codeeyey laba aragti oo kala ahaa in doorashada la qabto 20ka April ama 10ka April, waxaana codeyn kadib natiijada noqotay sidaan

  1. In doorashadu dhacdo 20ka April waxaa u codeeyey 20 xildhibaan.
  2. in doorashadu dhacdo 10ka April waxaa u codeeyey 32 xildhibaan.

Guddoonka Barlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah , isagoo sheegay in Barlamaanka Galmudug go’aamiyey in 10ka Bisha April ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa shirka isaga baxay intii aan doodu bilaaban, Waxaana ilo xog-ogaal ah sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi iyo xareed ay taageersan yihiin aragtida dowladda federaalka oo ah in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha.

Fadhiyada soo socda ayaa la filayaa in Barlamaanka Galmudug ay dhisaan guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xidlhibaano Galmudug 1 Xildhibaan Galmudug Xildhibaano Galmudug 2