MAALINKII DHEGEHEEDDA HABEENKIINA QALBIGEEDDA

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

 MAALINKII DHEGEHEEDDA HABEENKIINA QALBIGEEDDA

  Hooyo soomaaliyeed oo Inanteeda ladardaarmaysa ayaa ku tiri “habeenkii sankiisa, Maalinkiina ishiisa”, biya dhaca labada eray ee dardaarankaa waa in ay Nadaafadda ku dadaasho, hooyadaas waxay doonaysay inay gabadheedda si kooban ula dardaaranto runtii ayadoo siisay dardaaran aad u mugwayn. Hooyaddu waxay doonaysay inay inanteeddu noqoto hooyo wanaagsan sayigeedduna aad ugu qanco, waxayna ku tiri labo eray oo labaduba Nadaafadda siinayaan ahmiyad gooni ah, nadaafaddu waa waxa kor u qaadda qiimaha iyo waxtarka Dumarka dhaqan iyo caafimaad ahaanba, nolosha lamaanuhu qofba door ayuu ku leeyahay halkaas waxaa ku cad doorka Sayidada wanaagasan.

Aniguna waxaan iri anoo lahadlaya dhalinta maanta, Maalinkiina dhegteedda Habeenkiina Qalbigeedda, sida aan wada og soonnahay hadaan nahay Ragga waxaan caan ku nahay dhiibista amarro, qaylo, xanaaq, kaligi  talisnimo, (intaas dhegeha uma roona) iyo Daryo, rajoxumi,(intaas qalbiga uma roona).

Aabayaashu inta badan guryaha majoogaan sida dhaqanku yahay, laakiin inta yar oo aan joogno Guryaha waxaan ku qaylinaa Caruurta, canaananaa, ayaddoo lagayaabo xitaa inaysanba qaladgelin, hooyadaanba u soconaa oo aan ku xanuujinaynaa, dhaliilaan muujinaa maantaas oo dhan, halka Ragga qaar lagayaabo inay xitaa Hooyadda ay ku xanaaqaan sababta waxyar oo lugu xalin karo wadda haddal.

Reeraha Soomaaliyeed wax waddatashi ah kama dhex jiraan haday ka dhexjiraanna aad bay u yaryihiin, cidi wax iskuma sheegato kuudkaa layskugu wada jiraa, waana sababta keentay inay bulshaddeennu ka kori wayso maskaxda, Caruurta Soomaaliyeed sida ay u badan yihiin mayaqaanaan sida loo hadlo, sida loosoo gudbiyo waxa maankoodda ku jira, waayo maysan arkin qaabka wadda hadalka iyo fikir is waydaarsi hufan, waxyar oo Alle u nimceeyay mooyee, taas waxaa sabab u ah inaysan Guryaha ka jirin wax layiraa Nabad iyo waddatashi taasoo ay aheed in Ilmuhu waalidiinta ka bartaan kana minguursadaan Fagaaro ka hadalka, taabedelkeedda, waxaa ka jira Idho guduudis, Canaan, Xanaaq, Gacanta duudkeedda, iyo wax aan Diinta Islaamka ku raadyar, waa dhibaato haddii Gurigaagu u e kaaddo Xero milateri amarku taaglaynta iyo cigaabta jeedal.

Guryaha waa lugunastaa Dumarkana waxaa loo abuuray inaan ku xasilno, Xero milateri luguma nasto lugumana xasilo. Ragoow  hadaad Gurigaaga ka dhigto Xero milateri halkeed ku nasan, halkeedsa ku xasili, maantoodhan Guryaha Soomaalida waxaa ka yeeraya qaatilbaan taagannahay yaa abuuray dhibtaas adiga yaa abuuray markaad Gurigaaga ka dhigwaysay Guri waddatashi,  sidaan u badannahay Habaarka waan ku kaftannaa, Qaxwadda iyo Qayladu waysku mar, Canaantu Cishihiibay gaartaa, Hawshii ladiro Halgaadyaa lasocota, Cunugga sidaad ku barbaaraa sedee nogonayaa meeshaas miyaan xero milateri ahayn? Kana siidarayn waliba, Guryaha waa inaan ka bilaawnaa jawi waddatashi, si aan u dhaxalno Bulsho wadahadal ku caanamaasha.

Maalinkii dhegeheedda:

 Canaanta Qayladda iyo Xanaaqu maahan xalka kaliya ee noofuran, dhegahana uma roona, Aanka ilaalino xaasaskeenna Canaanta iyo qayladda, , sidoo kale haddii Curri joogto aan canaanta ka yarayno, sidaas waxaa ku imanaya Nabad iyo isku dhiirasho wadda haddal, cabsila’aan, waana bilaawga waddatashiga iyo wadda haddalka Nabadda Soomaaliyeed iyo Bulsho wax isku sheegata, maanta Guryaheenna majirto cid wax isku sheegata Wiilka iyo Aabihiis wax iskuma sheegan karaan amaba way yartahay, Gabadha iyo Hooyaddeed waxba is kuma sheegtaan amaba way yartahay, waxaan nahay Ummad is wadda gaadaysa, sidda sirdoonkii aan isku wadda maqannahay, halkaasaa waxaa ka abuurmay Ummad wadda sirdoon ah.

Markaad xaaskaaga dhegeheedda ka ilaaliso hadimadda, waxaa imaanaya inaad heshiis dhab’ah wadda qaadataan meeshana waxaa ka baxaya nin iyo naag colna maahan nabadna maaha, oo waxaad noqonaysaan Nabad galsoonidii ayaa abuurmaysa, naxariis baahda ayaa ku xigta, halkaasaa Bulshadiina noqotaa Bulsho caafimaad qabta. Maamulka guryihiinnu waa tijaabadda Garaadkiina maamul Rag iyo Dumaroow.

   Habeenkii Qalbigeedda:

  Ragga Soomaaliyeed waxay quluubta Dumarka ku waxyeeleeyaan wax layiraa Dayro iyo quusin, rajo xumo isku bedesha, Dayraddu waxay yaraysaa rajadda Nolosha, faraxaddana way xayuubisaa, ogaaw hadaad Dayradaada ka dayso Rajaxumo majirteen noloshuna qiimay ugu fadhinleheed Xaaskaaga, Habeenkii markaan soo hoyano Dayradaan bilaawno subixii quraacdaan ku cunnaa, gabadha islaameed ma waxaad isku soo raacdeen inaad kayaabsato Nolosheedhan, mise abuurka nolol qiimo leh, “Alle wuxuu oranayaa qofkii laga qariyo Shaxiixnimaddiisa waa loo naxariistay”, Dadka shaxiixnimadaada ka dadabay hadaadan ka daynayn, inaad qarisaa kuu khayr badan, Soomaaliyana u roon.

  Dumarka yaan Habeen kiiyoodhan loo dayryin, hala dhiirogaliyo halugu abuuro rajo wanaagsan hana loo sheego runta yaan inta lasamaysto dhawr Koonto mid maran lugusirin, markay rajo wanaagsan qabaan ayay yeeshaan hal abuurka ereyadda farxaddaleh, laabtoodaa xaaranta, runtay kuu sheegaysaa ileen runtaad u sheegtee, hasugin in run luguu sheego intaa Been sheegtid, waa luguu miisi doonaa Been intaad u miisto, xisaabtii Allaa noo dheeriya.

  Gabangabo: qof walbaa shaqadiisa haka soo baxo, gabadhu haday maalinkii Ishu waxay dhibsato ilaaliso, Habeenkiina Sanku waxa uu dhibsado Dadka Guriga joogaa Jir’ahaan waa loo hagaagay.

  Haddii Aabuhu Maalinkii Dhegtu waxay dhibsato ilaaliyo, Habeen kiina Qalbigu wuxuu dhibsado Dadka Guriga joogaa Uurkay ka hagaagayaan, qof walbaa wax wanaagsan ayuu ku hadli doonaa ileen Afkaa Uurka iyo dhegtaba waxyeelee, Maqal wanaagsan, Arag wanaagsan, Qalbigay qurxiyaan.

  Waxaan ku talin lahaa inaan balmarkaan sida aan u badan nahay wadatashi ku soo dabaalno reeraheenna, Ilmaha aan laasheekaysanno, lasaaxiibno waqti aan u qoondayno aan lashirno, xeer hoosaadyo aan Guryaha u samaysanno aan cidina ku xadgudbin, waqtiga shaqadda iyo waqtiga Xaaska aan miizaanno, kana ilaalinno is dhexgalka labadaas waqti, wixii lugu heshiiyo waa meeshoodda oo heshiisku waa kiin aan raadinayay, allanna aan kaashanno cibaadaddiisa aan Guryaha ku dhisno yaanaan dhisitaanka guryaheenna Alle oga caraysiin hadana aan nabad ka sugnaa

Guriga nuucaas lugu aasaasay, Aasaaska Guryaheenna Alle aan ku raali gelinno.

       F/G: hadaad wanaagsantahay adiga kaama hadlayo, farta haysku fiiqin.

W/Q: Abdiftatah Ali Abdalla Cabdiftaax “imaam”

Adderss:Xamtaax12@gmailcom

Tel:  00252617171717

http://calicabdalla.blogspot.com

1 thought on “MAALINKII DHEGEHEEDDA HABEENKIINA QALBIGEEDDA

  1. AC, Walaal waxaan aqriyay maqaal kaaga,
    aad buu cajab galiay wuuna faaiida badnaa.

    kuwa kale waan kaa sugaynaa.

    Mahadsanid.

Comments are closed.