Dowladda Soomaaliya oo Magdhow ka doonaysa markabkii jaray internetka

Wararka Maanta

markab_jaray_fiilo

Dowlada Soomaaliya ayaa qabatay markabkii jaray fiilada Inernetka badda ee Fiber Optic kaasoo sababay in magaalada Muqdisho iyo bartamaha iyo Koonfurta Somalia ay noqdaan internet la’aan muddo labo todobaad ka badan.

Markab oo lagu magacaabo MSC Alice ayaa waxaa iska leh shirkadda Meditrenian Shipping Company oo ka mid ah shirkadaha Maraakiibta ee ugu waaweyn caalamka.

Waxaa markabkan loo heystaa inuu jaray xargaha internetka badda Fiber Optic oo magaalada Muqdisho ka soo gala meel u dhexeysa dekeda iyo garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha dowlada Somalia ayaa sheegay in markabkan uu taagnaa agagaarka dekeda habeenkii ay ciidal-fitriga soo galeysay oo internetkii uu go’ayey, waxayna markabkan ku eedeeyeen inuu isagu jaray.

Hase ahaatee shirkadda Meditrenian Shipping Company oo iska leh markabkan ayaa ku gacan seyrtay arintan, iyadoo dalbatay in loo keeno cadeyn arintaas ku saabsan.

Markabkan oo dekeda Muqdisho ku dejiyey badeecado ganacsi ayaa haatan xaniban, waxaana shirkadda iska leh ay codsatay in loo fasaxo markabka haddii cadeymo la helana ay diyaar u tahay iney ka jawaabto, balse waxaa arintaas diiday dowlada Somalia iyo shirkadda internetka badda ee Fiber Optic.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay iney dacwad ku soo oogayaan shirkada iska leh markabkan lagana doonayo iney bixiso magdhow ku saabsan khasaaraha Somalia ka soo gaaray internet la’aanta oo uu sheegay iney tahay maalintiiba 10 milyan oo Dollar.

Ismari waaga u dhexeeya shirkadda iska leh markabka MSC Alice iyo dowlada Somalia ayaa weli taagan iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono, waxaana dhinaca kale la filayaa in internetkii bartamaha iyo Koonfurta Somalia uu dib u soo laabto saacadaha iyo maalmaha soo socda.