Dadkii ka barakacay Dagaalka Degaanka Caad oo gaaray Hobyo

Wararka Maanta

Qaar ka mid ah dadkii Shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalka degaanka Caad ee gobolka Mudug ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Maamulka degmada Hobyo ayaa Risaala u sheegay in ku dhawaad 100 ruux in saacaddihii lasoo dhaafay ay gaareen degmada Hobyo, kuwaa soo kasoo cararay degaanka Caad.

Dagaalka ka socda degaanka Caad ayaa xoogeystay , waxaana dadka degaanka iyo Al-Shabaab ay wali ku dagaallamayaan degaankaasi.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay dagaallo culus,iyadoona dadka degaanka ay ku guuleysteen in ay Shabaab ka qabsadaan degaanadii lagu dagaallamay.

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka kasoo barakacay dagaallada ka socda degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.