Barham Salah oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Ciraaq

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Baarlamaanka Dalka Ciraaq ayaa cod aqlabiyad leh ku doortay , Barham Saalah inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee  Ciraaq. Waa Madaxweynihii 9aad ee dalka Ciraaq yeesho.

Madaxweynaha cusub oo jagadaasi kula taraatamayay , Fu’aad Hussein ayaa wareegii Labaad waxa u helay 220 cod,waxaana sida uu Dastuurka Dalkaasi dhigayo uu , Barham Saalah noqonayaa Madaxweynaha sharciga ah ee Dalka Ciraaq, isagoo ahaa musharraxa Kutlada uga aqlabiyada badan ee Barlamaanka Dalkaasi Ciraaq.

Barham Salih ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaasi Ciraaq, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan],waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

Awood-qeybsiga Dalka Ciraaq ayaa ah 3.5, Shiicada, Sunnida, Kurdida iyo inta kale ayaa loogu kala qeybiyey in xilka Madaxweynaha uu qabto siyaasi Kurdi ah, inkastoo xilkaasi uu yahay mid awood kooban, halka Ra’iiualwasaaraha ay leedahay Shiicada oo ah kuwa ugu badan Dalkaasi iyo Sunnida oo qabta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.