Wakiilka Cusub QM u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa Markii ugu horeysay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaray wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom, Ninkaan ayaa edelay wakiilkii hore ee QM arrimaha Soomaaliya, Amb. Micheal Keating.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska QM ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa sheegay inay sharaf iyo mudnaan gaar ah u tahay inuu labada sano ee soo socota joogo Soomaaliya.

Nicholas Haysom oo u dhashay dalka South Afrika ayaa xilka kula soo wareegay dalka Mareykanka, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Masuulkan la wareegay xafiiska QM ee Soomaaliya oo 66 sano jir ah ayaa ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsanaa dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan, waxaa sidoo kale uu horay u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.