Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay 4 waddo cusub Magaalada Cadaado

Arimaha Bulshada Hormarka Dalka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Hogaamiyaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa maanta dhagax dhigay afar waddo cusub oo laga dhisayo xaafadaha magaalada Cadaado, waxaana mashruucan hirgalinaya Maamulka Degmada Cadaado iyagoo gacan ka helaya Mashruuca JPLG (Joint Program Local Governments) oo ah sanduuq ay ku midoobeen hay’adaha UNka si loo kabo hormarka degmooyinka.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxay dhaqaale kor u dhaafaya 150,000 dollar, waxaana isugeynta dhererka afarta waddo uu gaarayaa 4 kiilomitir, waa sanadkii labaad ee wadooyin Cadaado ka dhagax dhigo madaxweynaha Galmudug Guuleed, Cadaado ayaa kamid ah degmooyinka ugu hormarka badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Nala daawo muuqaalkan aan idinkaga diyaarinayayey.

Fiiro Gaar ah: Markii aad daawato fadlan riix badhanka SUBCRIBE  si aad u rukumato muuqaalada Ceelhuur Online.

16 thoughts on “Daawo: Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay 4 waddo cusub Magaalada Cadaado

Comments are closed.