Gaari Xamuul oo ku qalibmay Duleedka Bandiiradley (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gaari Xamuul oo siday khudaar ayaa ku rogmaday inta u dhaxeyso Bandiiradley iyo Saddex-higlo gobolka Mudug, inta la xaqiijiyey laba qofood ayaa ku dhaawacmay shilkaan.

Waa shilkii labaad ee ka dhacay gobolka Mudug 24 saac ee ugu dambeeyey, shalay ayaa gaari ku qalibmay duleedka Hobyo waxaa ku dhintay 4 qof, halka 5 kalena ku dhaawacmeen.

Gaarigan ku rogmaday agagaarka Bandiiradley ayaa khudaar u waday magaalada Galkacyo, waxa uuna ka yimid dhanka Magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan.