Alvaro Morata Oo Laga Yaabo Inuu Chelsea Ku Soo Laabto Kulanka Bournemouth

Ciyaaraha

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa soo jeediyay inuu dooran doono weeraryahan Alvaro Morata ka dib ciyaartii uu la ciyaarayo Bournemouth habeenka Arbacada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Blues isagoo dhaawac dhabarka ah qaba, waxaana sidoo kale la fahamsan yahay inuu murugeysan yahay dhimashada saaxiibkiis ee ku geeriyooday shil gaari.

Morata ayaa markii hore la filayay inuu seego kulanka isbuuca soo socda ee Bournemouth, laakiin Conte ayaa haatan rajeynaya 25 jirkaan – kaasoo ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto lix kulan – inuu ka ciyaaro Stamford Bridge ka dib markii uu ku soo laabtay tababarka.

“Morata waxaa laga yaabaa inuu kulankaan ku soo laabto, wuxuu bilaabi doonaa tababarka Isniinta, laakiin ma nala joogi doono,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Isniinta wuxuu bilaabi doonaa [tababarka] si hubaal ah, laakiin dhaawaca noocan ah waxaad u baahan tahay wakhti yar oo soo kabashada.”

Michy Batshuayi ayaa joogay kulankii Newcastle United ee isbuucaan ka maqnaa Morata, waxaana uu sameeyay fursadii ugu danbeysay  isagoo dhaliyay labo gool kulankii ay 3-0 ku badiyeen.