Akhriso: 6 Kursi oo beri loo tartami doono aqalka hoose – Galmudug

Afhayeenka Guddiga doorashada heer dowlad goboleedka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in maalinimada beri ah loo tartami doono ilaa 6 kursi oo mid ka mid ah ay haween kaliya u tartami doonaan. kuraasta beri loo tartami doono ayaa kala ah: kursiga 1-aad : Beesha Dir, Sure […]

Continue Reading

Maxaa looga hadlay kulankii Guuleed iyo Gaas? (Warbixin+Sawirro)

Waxaa maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo shir ay isugu yimaadeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland. Madasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay Mr. Keating, iyo siyaasiyiin kale. Labada madaxweyne ayaa khudbado ka jeediyey goobta, waxaana la isku raacay […]

Continue Reading

Dib u dhac ku yimid doorashadii maanta la filayey inay ka dhacdo Cadaado

Waxaa dib u dhac ku yimid doorashadii maanta la filayey in ay maanta ka dhacdo magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug. Lama oga sababta rasmiga ah ee dib u dhaca keentay, inkasta oo afhayeenka gudigga doorashooda Galmudug saxaafada gudaha u sheegay in ay doorashadu ay dib ugu dhacday maalinimada Beri ah, maanta […]

Continue Reading

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Galkacyo

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa goordhow gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug. Sharmaake ayaa Galkacyo u tagay sidii xal looga gaari lahaa colaada soo laalaabatay ee magaaladaas, waxaana horey halkaas u joogay Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, xildhibaano aqalka sare DFS ka tirsan, siyaasiyiin, waxgarad, Abwaano iyo waxgarad farabadan. […]

Continue Reading

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta doorashada Kismaayo

Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa la Sheegayaa in ciidamo Gadoodsan Ay la wareegeen Xarunta Doorashooyinka Jubbaland. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan oo aad u hubeeysna Ay Guud ahaan Albaabada isugu dhufteen Xarunta Doorashada Jubbaland Ee Magaalada Kismaayo. Ciidamada ayaa u diiday Odoyaasha iyo Dad Marti sharaf ahaa in ay […]

Continue Reading

Guuleed iyo Gaas oo maanta ku kulmaya Galkacyo

Waxaa shalay gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, waa Guuleed iyo Gaas e, waxaana safarkooda ku wehliyay siyaasiin kale, waxaa kale oo magaalada ku sugan wafdi nabadayn ah oo ka socda Abwaanada Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in ay goordhow gaaraan wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, wafdigaan ayaa waxaa […]

Continue Reading

Ban ki-moon oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjire Yuusuf Garaad

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda. Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban. Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo […]

Continue Reading

Dagaal beeleed galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Balanbale iyo Xeraale

Laba maleeshiyo beeleed ayaa galabtay ku dagaalamay inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Balanbale ee gobolka galgaduud. Dagaal oo laba jeer la isku laabtay ayaa khasaare farabadan dhaliyey, inta la xaqiijiyey ilaa 7 ruux oo kooxihii dagaalamayey ah ayaa ku geeriyooday, halka dhaawacu ka badan yahay 10 ruux. Maleeshiyada dagaalku dhexmaray ayaa ka soo kala […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Galkacyo (Sawirro)

Wafdigan oo uu hogaminayay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayna ka mid ahaayeen xubno ka tirsan aqalka sare ayaa maanta gaaray magaalada Galkacyo. Wafdigan ayaa sii maray deegano iyo degmooyin badan oo laamiga dheer ku IPteedsane sida deegaanka bandiiradleey, madaxweynaha ayaa salaamay bulshadii uu la kulmay, madaxweynaha Galmudug ayaa beri la kulmi doona […]

Continue Reading

Maraykanka oo cadeeyey in duqeyntii bariga Galkacyo Askartii ay ku dileen aysan aheyn Alshabaab

Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters khamiistii shalay Qoraal kooban oo kasoo baxay howlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayey ku sheegeen in duqeyntii 28 September 2016 ka dhacday bariga magaalada Galkacyo ay ku dileen ciidamado ka tirsan Galmudug, iyagoo beeniyey in ay halkaas ku dileen ciidamo Alshabaab ka tirsan. Maraykanka ayaa intaa ku daray in […]

Continue Reading