Waxaa dib u dhac ku yimid doorashadii maanta la filayey in ay maanta ka dhacdo magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug.
Lama oga sababta rasmiga ah ee dib u dhaca keentay, inkasta oo afhayeenka gudigga doorashooda Galmudug saxaafada gudaha u sheegay in ay doorashadu ay dib ugu dhacday maalinimada Beri ah, maanta ayaa la filayey in Cadaado loogu tartamo 8 kursi.
Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in ay jiraan isgarbin siyaasadeed, waxaana wali dood adag ka taagan kuraasta dumarka loo qoondeeyey oo aan wali cadeyn beelaha qaar, waxaana jirta in gabdhaha qaar ee u tartamaya kuraasta ay dacwad ka gudbiyeen madaxda Galmudug iyo guddiga doorashada Galmudug, iyagoo ku eedeyey inay doonayaan in ay rag ku fadhiisiyaan kuraasta gabdhaha.
Beelaha qaar ayaa iyaguna dhaliilsan hanaanka wax u socdaan, waxaana muuqata in musuqmaasuq jiro intuu rabo hala ekaado e.
Wixii kasoo kordha nala soco
www.ceelhuur.com
Comments are closed.