Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa goordhow gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Sharmaake ayaa Galkacyo u tagay sidii xal looga gaari lahaa colaada soo laalaabatay ee magaaladaas, waxaana horey halkaas u joogay Madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, xildhibaano aqalka sare DFS ka tirsan, siyaasiyiin, waxgarad, Abwaano iyo waxgarad farabadan.

Magaalada Galkacyo ayaa waxaa ka barakacay intii badneyd shacabkii daganaa colaadda soo noqnoqotay awgeed, waxaana xiran goobaha adeegga bulshada.

Galkacyo ayaa sanadkii waxaa heshiis ku kala sixiixday maamulada Galmudug, inkasta uusan dhaqan galin.

Comments are closed.