Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta doorashada Kismaayo

Uncategorized Wararka Maanta

Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa la Sheegayaa in ciidamo Gadoodsan Ay la wareegeen Xarunta Doorashooyinka Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan oo aad u hubeeysna Ay Guud ahaan Albaabada isugu dhufteen Xarunta Doorashada Jubbaland Ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa u diiday Odoyaasha iyo Dad Marti sharaf ahaa in ay Goobtaasi ku sii sugnaadaan iyaga oo ka saaray Xarunta.

Ciidamo katirsan kuwo Nabadsugida Ee Jubbaland ayaa Gaaray Goobta Kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay dagaalamaan.

Warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadaan uu wato Siyaasi looga guuleeystay Doorashada Aqalka Hoose Ee Kismaayo ka dhacday.

Xigasho: Puntland Post

Comments are closed.