Maraykanka oo cadeeyey in duqeyntii bariga Galkacyo Askartii ay ku dileen aysan aheyn Alshabaab

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters khamiistii shalay Qoraal kooban oo kasoo baxay howlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayey ku sheegeen in duqeyntii 28 September 2016 ka dhacday bariga magaalada Galkacyo ay ku dileen ciidamado ka tirsan Galmudug, iyagoo beeniyey in ay halkaas ku dileen ciidamo Alshabaab ka tirsan.

Maraykanka ayaa intaa ku daray in aysan weerarkaas ku dhiman wax rayid ah, dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ka codsatay inuu sharaxaad ka bixiyo duqeyntaas, halka Galmudug ku eedeysay maamulka ay jaarka yihiin Puntland uu marin habaabiyey Maraykanka, iyagoo ka dhaadhiciyey in halkaas ay isku urursanayaan ciidamo ka tirsan Alshabaab.

Afhayeenka Alshabaab ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in aysan ciidamo ka joogin goobta Maraykanku duqeeyey.

Nuqulka warbixinta maraykanku soo saaray ayaa lagu cadeeyey in maamulka Puntland ka codsadeen in ay weerarkaas in ay qaadaan.

Baaritaanka maraykanka oo bilowday 4 October ayaa lagu sheegay in kolkii hore ay aaminsanaayeen in ay Alshabaab yihiin dadka ay dileen balse baaritaan dheer kadib ay ogaadeen in ay ahayeen askar ka tirsan ciidanka Galmudug.

Xigasho: Reuters

W/turjumay: Maxamed Dhagacade

Comments are closed.