Dagaal beeleed galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Balanbale iyo Xeraale

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Laba maleeshiyo beeleed ayaa galabtay ku dagaalamay inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Balanbale ee gobolka galgaduud.

Dagaal oo laba jeer la isku laabtay ayaa khasaare farabadan dhaliyey, inta la xaqiijiyey ilaa 7 ruux oo kooxihii dagaalamayey ah ayaa ku geeriyooday, halka dhaawacu ka badan yahay 10 ruux.

Maleeshiyada dagaalku dhexmaray ayaa ka soo kala jeeda degmooyinka Balanbale iyo Xeraale, waxaana dirirtu ka bilaabatay barkad ay dhinac ka mid ah ka qodayeen deegaanka dirirtu ka dhacday.

Ilaa hadda ma jirto cid kala dhexgashay labada maleeshiyo beeleed, dagaalka ayaa istaagay 7 fiidnimo, inta badan dirirta reer miyiga ayaa ka bilaabata meelaha biyaha laga cabo  iyo daaqsinta.

2 thoughts on “Dagaal beeleed galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Balanbale iyo Xeraale

Comments are closed.