Meydadka 2 qof oo dalxiisayaal ah oo kusoo caariyay xeebta magaalada Gandershe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Meydadka Labo Qof oo Dalxiisayaal ah, ahna Reer Galbeed ayaa laga helay xeebta degaanka Gandershe oo dhanka Bari uga beegan magaalada Marka. Meydadkan oo jirkooda laga dareemayay dhaawacyo soo gaaray intii ay badda dhax sabeynayeen ayaa ku soo caariyay degaanka Gandershe oo […]

Continue Reading

weerar xalay lagu qaaday bar koontarool oo ciidanka dowlada kuleeyihiin duleedka jowhar

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen Koontoroolka Waqooyiga ee laga soo galo Magaalada Jowhar oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.  Dagaal xoogan ayaa kooxaha hubeysan iyo sidoo kale ciidanka dowladda ku dhexmaray Kontaroolkaasi Muddo ku dhow Saacad […]

Continue Reading

Fowsiyo Xaaji oo kuguleysatay kamid noqoshada baarlamaaka doorasho kadhacday muqdisho

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee ka imaanaya deganada maamulka Somaliland. Xildhibaan Fowsiyo ayaa ka guuleysatay Haweenay la tartamaysay oo lagu magacaabo Caasha Aadan, kadib markii ay Fowsiyo heshay codad gaaraya 45 cod. Xildhibaanada Fowsiyo ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay dowladdii uu waqtigeedo […]

Continue Reading

Kenya oo ciidamo cusub geysay xuduudda ay la wadaagto dalka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ciidamo geysay xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la qorsheeyay iney adkeeyaan amaanka iyo dhaqdhaqaaqa xuduuda labada dal. Ciidamada ayaa sidoo kale la geeyay gobolka waqooyi ee dalka Kenya oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaayeen cabsi la xiriirta weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalada Mandheera iyo magaalooyinka kale. Saraakiil ka tirsan […]

Continue Reading

Xildhibaanada golaha shacabka oo dooranaya guddiyada doorashada gudoonka labada aqal

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii seddexaad ku yeelanaya xarunta baarlamaanka, waxaana kulanka looga hadlayaa arimo dhowr ah. Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada ayaa ka doodaya gudiyada doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waxay fikrado ku darsan doonaan qaabka loo dhisayo guddiyada doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa. Cismaan Cilmi Boqore, guddoomiyaha […]

Continue Reading

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Hay’ado iyo deeq bixiyeyaal

Guddigga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran, ayaa kulan looga hadlaayey dardar gelinta hawlaha gar-gaar ee ay u baahan yihiin dadka ay Abaaruhu saameeyeen la yeeshay UNka, deeqbixiyayaasha, iyo hay’adaha caalamiga ah, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in shirkii ugu horeeyay ee guddiga ay kaga hadleen sidii loo diyaarin lahaa hal qorshe oo […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa in todobaadyada soo socda ay mar kale joojiso Qaadka Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in todobaadyada soo socda ay mar kale joojiso Qaadka laga keeno dalka Kenya, kaddib markii dowladda Kenya ay dhaqan gelin weysay heshiiskii 13-kii bishii September ee sanadkan. Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay ceelhuur.com in dowladda ay ka fikireyso go’aan ay ka qaadato Qaadka laga […]

Continue Reading

Xildhibaanno kale oo ku soo baxay doorashadii maanta ka dhacaysay Muqdisho

Suuri Diiriye Carab iyo khadro Maxamed tukaale ayaa ku soo baxay Doorashadii aqalka hoose ee maanta ka socotay Magaalada Muqdisho. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in saacadihii hore ee saaka la doortay ilaa iyo seddex Xildhibaan, kuwaasi oo gobolada Waqooyi u matali doona Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Guddiyada kala duwan ee doorashooyinka madaxa banana […]

Continue Reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ololihiisa doorashada ka madax banaaneeyay Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay bilaabay ololihiisa doorashada, xilli lagu wado in dhowaan dalka ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, inkastoo aan wali kala cadeyn waqtiga ay dhaceyso. Xasan Sheekh oo dadaal ugu jira in mar kale dib loo doorto, ayaa ololihiisa doorashada ka madax banaaneeyay Madaxtooyada, waxaana Kooxda qaabilsan ololihiisa doorashada ay […]

Continue Reading