weerar xalay lagu qaaday bar koontarool oo ciidanka dowlada kuleeyihiin duleedka jowhar

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen Koontoroolka Waqooyiga ee laga soo galo Magaalada Jowhar oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

 Dagaal xoogan ayaa kooxaha hubeysan iyo sidoo kale ciidanka dowladda ku dhexmaray Kontaroolkaasi Muddo ku dhow Saacad sida ay goobjoogayaal ay u sheegeen idaacadda Risaala.

 Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lama oga , laakiin ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

  Ilaa iyo hadda lama oga heybta kooxahaasi ,mana jirto cid sheegatay weerarkaasi.

 Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay in geystaan weerarada noocaan oo kale ah.

Maamulka degmada jowhar wali arintaan kama hadlin waxaana lasugayaa faah faahin uu kasoosaaro weerarkaan xalay kadhacy jowhar