Xusuus geeridii Cali Iimaan & Mahad A. Cilmi !!! W/Q: Maxamed Macalimuu

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

10565021_819443218086561_2769257078779410614_n

Waxa ay aheyd 11 Aug 2007 xilli subax ah ,waxaa i soo wacay Maxamed Abuukar Ma’da oo codkiisu gariir uu jiro muragana laga dareemi karay ,waxa uu ii sheegay in xarunta Horn Afrik uu joogo Wariye Mahad Axmed Cilmi hadda dhaawaciisa loola cararay cisbitaal Madiina aad uu u daran yahay .

Waxa aan u soo cararay cisbital Madiina wariyayaal dhowr ah ayaa cisbitalka iiga horreeyay waxa ay ii sheegeen in dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in Mahad uu geeriyooday Eebe naxariistii Janno uu ka waraabiyo.

Cagaha ayaa dhulka ku celin waayay ,indhaheyga waxaa soo buuxiyay ilmo ,sababtoo ah Mahad oo aan aad isu barnay ayaa aniga iyo badanba qaali ku ahaa.
Wasa aan wad soconnay Wariye Maxamed Colaad Xasan , waxaa wariyayaashii halkaa joogay aan ka xusuustaa C/laahi Kulmiye Caddow ,Saciid Tahaliil ,Xasan Muuse Sabriye ,Sahal Cabdulle, Mustaf Xaaji C/nur iyo wariyayaal kale oo aad farabadan.

Aniga Maxamed Colaad oo gaari wadanna ayaa waxaan aadnay Hornafrik ,waxa aan ugu tagnay meel gadaale oo odayaashu fariisan jireen oo ku dhextaal Hornafrik Allaha u naxariisto Cali Iimaan ,Falastiin Axmed Iimaan ,Saciid Tahaliil ,Xasan Fanax ,waxaa kadib inoo soo galay Sahal . Tacsiyeyen iyo is wareysi kadib aniga iyo Colaad ayaa waxaan cod ka duubnay Cali Iimaan oo si adag uga hadlay dilka wariye Mahad, hadaladiisa waxaan ka xusuustaa Mahad waxa dilay cid dooneysa in ay aamusiso saxaafadda madaxa bannaan . Markii aan duubista dhameynay ayaa waxaa noo yimid Wariye Maxamed Maxamud Dhoore oo aan BBC Somali kawada shaqeyneynay ,waa xilligii salaadda duhur .Waxaan ka codsaday Dhoore in codka Cali Iimaan uu idaacadda ka gaarsiiyo anigana aaska ka qeyb galo , Mohamed Dhoore ayaa ku adkeystay inuu isagu ka qeyb galo aaska oo aniga aan idaacadda warka iyo codkaba u diro sidii baan ka yeelay aniga iyo Mohammed Olad Hassan mar kale ayaan dib isula soo noqonnay xilli la isu diyaarinayo in aaska laga wada qeybgalo oo ay Falastiin iyo Sahal Abdulle la joogaan Cali Iimaan iyo Saciid Tahalil.

Warkii ayaan idaacada BBC ee labada duhurnimo ka gaarsiiyay laakiin intii idaacadda socotay ayaa waxa i soo wacay Dhoore oo ii sheegay inuu dul joogo meydka Cali Iimaan Sharmarke . Cali wuxuu ahaan jiray Boss-keyga Hornafrik naxdintii ayaa iga saaid caleysay , telefoon ayaan qabsaday waxa aan wacay Yusuf Garaad oo ahaa madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC ,waxa aan u sheegay warkii naxdinta lahaa ee geerida Cali Iimaan Sharmarke ,isla idaacaddii aan ku sii deynay wareysiga Cali ayaan hadana geeridiisii ku sheegnay oo waxaa si kooban u sheegay C/nur Shiikh Maxamed .
Maalintaa wixii ka danbeeyay wariyayaasha badankood waxa ay bilaabeen in ay dalka ka cararaan laakiin in kale oo badan oo aan ku jirnay aniga Dhoore iyo Maxamed Colaad ayaa ka mid noqday dad ku sii nagaaday Soomaaliya oo ka sii shaqeeyay. Waxa naxdin taa la mid ah ay i soo martay maalintii la dilay Nasteex Daahir oo ahaa wariye qiima badan kaas oo Kismaayo lagu dilay kadib wax ka yar hal saac oo aan telefoon isku moogeyn.

Maalmaha Madow wey badan yihiin ,inta dhimatay Allaha u naxariisto inta dhib uu soo gaaray iyo inta Eebe samatabixiyayba ilaaheey haka dhigo kuwii ka sheekeeya mustaqbalka xaalka oo sidan dhaama .

Waxaa Qorey:  Maxamed Ibraahim Macalimuu

Comments are closed.