Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa in todobaadyada soo socda ay mar kale joojiso Qaadka Kenya

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in todobaadyada soo socda ay mar kale joojiso Qaadka laga keeno dalka Kenya, kaddib markii dowladda Kenya ay dhaqan gelin weysay heshiiskii 13-kii bishii September ee sanadkan.

Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay ceelhuur.com in dowladda ay ka fikireyso go’aan ay ka qaadato Qaadka laga keeno Kenya, hadii dowladda Kenya wax cudur daar ka bixin sababaha ay u fulin weydo heshiiska.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka fikireysa labada todobaad ee soo socda inay mar kale hakiso Qaadka laga keeno Kenya, hadii dowladda Kenya wax cudur daar ah ama warbixin cad ka keenin sababaha ay dhankeeda uga fulin weysay heshiiskii September”ayuu yiri Diblomaasi sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo diiday in la xigto magaciisa.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in aanay fulin heshiiskii horay ay u wada gaareen, taasoo ku qasbeysa Soomaaliya inay go’aan deg deg ah ka gaarto Qaadka laga soo dhoofiyo Kenya oo dhaqaale fara badan ay ka helaan Ganacsatada Qaadka ee Kenya.

Heshiiskii bishii September ee ay gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigayay in Kenya ay joojiso Diyaaradaha rakaabka ee lagu baaro garoonka Wajeer, taasoo dhib badan ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo in la fududeeyo dal ku galka Kenya oo isna dhib badan ku qabaan adka Soomaaliyeed ee doonaya inay tagaan Kenya.

Labada qodob ayaa dowladda Kenya codsaday in muddo 3-bilood loo siiyo, si ay u dhaqan geliso, iyadoo mudada 3-bilood ku ekeyd 13-kii bishan December.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda fulisay heshiiska maalin kaddib heshiiskii ay wada gaareen labada Madaxweyne, iyadoo dib u bilowday diyaaradihii Qaadka laga keenayay ee mudada KMG xayirnaa.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii magaalada Nairobi ku kulmeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Mohamed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenyna Amina Maxamed, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo dhaqan gelinta heshiisyadii horay loo gaaray.