Halkaan ka akhriso 13 faaido oo laga helo cabista biyaha kulul iyo liin dhanaanta.
- Liin dhanaanta waxaa ku jira Vitamin C oo xoojiya hab dhiska difaaca jirka.
- Liin dhanaanta waxaa ku jira pectin fiber oo faaido weyn u leh caafimaadka mindhicirka weyn, sidoo kalana bakteeriyada la dagaalama.
- Aroorta hore oo la cabo biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay jirka ka saaraan sunta.
- Liin dhanaantu waxay daawaysaa qabowga.
- Liin dhanaantu waxay caawisaa dheefsiidhka waxayna yaraysaa laab dilaaca iyo dibirada.
- Waxay yaraysaa Macdanta potassium ee ku jirta liin dhanaanta waxay nafaqaysaa unugyada maskaxda iyo neerfayaasha.
- Cabista biyaha liin dhanaanta waxay isku dheeli tiraan heerarka pH-ka jirka.
- Liinta dhanaan waxaa ku jira xadi aad u sareeya oo faytamiin C ah kaaso gacan weyn ka gaysata kicinta iyo sifaynta beerka iyo in suntu raacdo biyaha.
- Liinta waxay hodan ku tahay vitamin C oo hoos u dhiga laalaabka maqaarka, vitamin C-gu waxa uu dhalaaliya maqaarka waxaana u dilaa bakteeriyada dhalisa finanka.
- Liin dhanaantu waxay carfisaa afka, waxayna yaraysaa ilko xanuunka iyo yiridka.
- Biyaha liin dhanaanta waxay hagaajiyaan caafimaadka indhaha.
- Cabista biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay hoos u dhigaan miisaanka jirka.
- Waxaad u baahantahay koob biyo diiran ah, korka uga tuuji 1 ama 2 xabo oo liin dhanaan ah.
Xigasho:-Daryeel Magazine