Askari katirsan ciidanka dowlada oo Muqdisho lagu dilay

Wararka Maanta

Rag ku  hubeysnaa bustoolado  ayaa meel u dhow Ex-Hotelka Lafweyn  oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax  iyo Xaafada Siisii ee Magalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa sigaar ah waxaa uu uga dhacay afaafka hore ee Baar Feeynuus oo xilligaas uu ku sugnaa askariga la dilay,waxaana kasoo baxaya dilkaas faah faahino kala duwan.

Dilka kadib ayaa waxaa wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in Ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay ay toogteen mid kamid ah raggii dilka geystay.

Ciidamada ayaa goobta waxaa ay ka qaadeen meydadka askarigii ka tirsanaa Ciidamada Dowladda iyo Shaqsigii ka dambeeyey dilkaas,iyaga oo howlgal aan wax najiijo ah kasoo bixin halkaasi ka sameeyey.

Si kastaba shalay ayay aheyd markii Ciidamada Booliska degmada Wadajir ay qabteen laba kamid ah rag suuqa degmadaasi ku dilay askari katirsanaa Ciidamada Maamulka degmada Wadajir,kuwaas oo isku dayayay inay baxsadaan.