Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Midowga Yurub

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne kuxigeenka Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midawga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh ee dhallinyarada u badan iyo khayraadkeeda dabiiciga ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midawga Yurub.