Farmaajo iyo Kenyata oo ku heshiiyay xoojinta iskaashiga labada dal

Wararka Maanta

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diplumaasiyadeed oo lagu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed eelabada dowladood.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ah

  1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.

  2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.

  3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)

  4. In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.