AMISOM oo Qarax lagula eegtay Sh Hoose

Wararka Maanta

Mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidamada AMISOM ayaa saaka ay miino kula qaraxday iyagoo marayay meelu dhexeysa degmada Baraawo iyo Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose

Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalka Sh/hoose iyadoo sidoo kale la maqlay rasaas xoog leh oo dhacaysa

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen Miinada in ay haleeshay mid ka mid ah Gawaarida Gaashaaman ee ay wateen ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Shabaabka waxa ay sheegeen inuu burburay Gaarigii Qaraxa lala eegtay, sidoo kalena ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidamii la socday gaariga.

Ciidamada AMISOM ayaan faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxan lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Hoose.