Askar lagu dilay Xalay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Dilal qorsheysan ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho , Degmada Waaberi  ayaa xalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, waxaana la sheegay in ay dilka fuliyeen dhaliyaro wadatay bistoolado, dilka kadib raggii hubaysnaa ayaa meesha ka baxsaday, iyadoo ciidamada NISA ay tageen goobta markii dambe, halkaasi oo ay ka qab qabteen tiro dhalinyaro ah.

Sidoo kale askari ka tirsan ciidamada Militariga ayaa lagu dilay Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.Askariga la dilay, ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Militariga Somaliya, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan. Rag Bistoolado watay ayaa ka dambeeyay dilkiisa, kuwaasi oo iyagana ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen.

Muqdisho ayaa inta badan habeenkii waxaa lagu dilaa askarta iyo dadka rayidka ah, waxaana baxsada kooxaha dilka geysta. Ciidamada ayaa ah kuwa ugu badan oo ay beegsadaan kooxaha wax dila.