Shirka Muqdisho oo Qodobada qaar laysku Fahmi la yahay!

Wararka Maanta

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maanta galaya waqti dheeri ah xilligii loogu tala galay in la soo gaba gabeeyo oo ku beegneyd maalintii shalay, iyadoo qodobo qaar oo shirka looga hadlayo aan wax la isku afgaran.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada oo uu shirka ka socdo ayaa sheegaya in illaa iyo hada Madaxda ay isku afgarteen qodobada qaar, sida amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hase ahaatee Madaxda ayaa wali xal ka gaarin khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay, waxaana Madaxda maamul goboleedyada ay sheegayaan in khilaafkan uu asal u yahay Dastuurka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda dowlad goboleedyada ay dalbadeen in shirka laga soo qeyb geliyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, si arrimaha muranka ka jira ee dastuurka xal looga gaaro, iyadoo Wasaaradda Dastuurka ay muddooyinkii waday wadatashiyo la xiriira dib u eegista Dastuurka.

Arrinta ugu weyn ee khilaafka madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa sal u ahaa khilaafkii Khaliijka oo dowladda Federaalka ay mowqif dhex dhexaad ka qaadatay, halka Maamul goboleedyada ay taageereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Labada dhinac waa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa soo kala qaadanaya qodobada muranka uu ka jiro ee Dastuurka, sida qodobka 53aad iyo qodobka 54aad oo kala sheegaya in dowladda Federaalka ay tahay cida awooda u leh arrimaha dibadda, halka qodobka 53aad uu dhigayo go’aanada Masiiriga ah laga wadatashado.

Xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ayaa ah arrinta ugu weyn ee la sugayo, maadaama muddooyinkii u dambeeyay Madaxda maamulada iyo dowladda Federaalka ay ahaayeen kuwo sii kala fogaanayay.