Alshabaab oo xalay weeraray Bar kontarool gobolka Sh/dhexe.

Wararka Maanta

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar kedis ah ku qaaday bar kontarool oo ku taal meel u dhexeysa degmada Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaad hubeysan uu dhex maray ciidamo ku sugnaa barta koontarool iyo kooxdii soo weerartay ayna ka dhasheen qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalyahanadii weerarka ku qaaday deegaanka u dhexeeya Qalimow iyo Gololey laguna magacaabo Ceelka Geelow ayaa la sheegay in ay la wareegeen barta koontarool kadib markii ciidamadii dowlada ee halkaas ku sugnaa ay dib uga gurteen,waxayna gubeen guryo cooshado ka sameysan oo ku yiil deegaankaas.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in dagaalyahanada Alshabaab ay isaga baxeen deegaanka Ceelka Geelow xilli dambe oo xalay ah.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan hase ahaatee waxa wararku ay tilmaamayaan in ciidamadii kusugnaa barta koontarool ay soo gaartay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Waa markii labaad ee ay dagaalyahanada Al-Shabaab weeraraan bartan koontarool ee deegaanka Ceelka Geelow. Mana jirto illaa iyo hadaa wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.