Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbinayso Philippe Coutinho Isbuucaan

Ciyaaraha

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay si rasmi ah ugu dhaqaaqi doonto kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho isbuuca oo furmaya suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Kooxda reer Catalan ayaa xiiso weyn uqabtay Coutinho, waxaana ay ku guuldareysatay seddex lacag oo l ay ku dooneyso ciyaaryahanka reer Brazil xagaagan, inkastoo ciyaaryahanka uu cadeeyay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Camp Nou.

Liverpool ayaa diiday inay iska iibiso 25 jirkaan intii lagu jiray suuqa kala iibsiga, lakiin waxaa la filayaa inay wajahaan dagaal kale  marka uu suuqa furmo bisha Janaayo.

The Mirror ayaa sheegeysa in Barcelona ay diyaar u tahay inay 130 milyan oo ginni ku dalbato Coutinho Isbuucaan, waxaana ay kalsooni ku qabaan inay doonayaan inay soo gabagabeeyaan isla bishaan int ay ka sugi lahaayeen  ilaa xagaaga danbe.

Liverpool ayaa dooneysa inay iska iibiso, inkastoo tababare Jurgen Klopp uu dhawaan diiday dalab kaash ah oo ku iibiyo Coutinho si uu u qiimeeyo rikoorka adduunka ee 75 milyan ginni ee uu kasoo bixiyay Virgil van Dijk.

Coutinho ayaa 19 kulan u saftay Liverpool horyaalka Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 12 gool isla markaana abuuray sideed kale.