Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi oo xalay kormeeray ciidamada ku sugan duleedka Muqdisho

Wararka Maanta

Guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ahna duqa magaalada Muqdisho  ayaa xalay saqdii dhexe booqday xarumaha ciidamada dowlada ee deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Thaabit duqa magaalada Muqdisho ayaa xaalada ciidamadaas ka wareystey saraakiisha mas’uulka ka ah ciidamada halkaa ku sugan waxayna saraakiisha warbixin ka siiyeen xaalada amni ee wadada ugu muhiimsan ee soo gasha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dhabar adeeg muujiyeen Islamarkaana ay ka hor tageen qaraxyo badan oo ay Al-Shabaab u soo wadeen magaalada Muqdisho.

Kulan gaar ah ayaa la sheegay in Guddoomiyaha uu la qaatay saraakiisha Ciidamada ee halkaasi ku sugan, sidoo kale Taabid ayaa la hadlay Ciidamada amaanka ee halkaasi saldhigga ku leh, waxa uuna u balan qaaday in ay Dowladda la qaybsan doonto dhibaatada il gaar ahna lagu eegi doono daruufaha adag.

Waa markii ugu horeysay ee Guddoomiye Taabid duleedka magaalada Muqdisho ku booqdo Ciidamada amaanka ee halkaasi ku sugan.

Siinka dheer halka loo yaqaan ayaa ah barta koontarool ee ugu muhiimsan ee lagu baaro gaadiidka ka yimaada gobolada koofureed ee dalka waxaana maalin walba wadadaas marta kumanaan gaadiid isugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryarba.