Goormee la qabanaya doorshada Guddoonka Aqalka Sare?

Wararka Maanta

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka ayaa doortay Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoonka Aqalka Sare, kuwaas oo ka kooban Lix xubnood.

Guddigaan ayaa waxaa looga fadhiyaa diyaarinta Doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa ku xigeen, waxaana ay kala yihiin xubnaha Guddiga ah ee maanta la doortay.

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun)

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen.

4. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xubnahaan oo doorashadooda ka dib kulan yeeshay ayaa doortay Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare waxayna u  doorteen Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Hirshabeelle, halka Xoghayaha loo doortay xildhibaan Farxaan Cali Xuseen oo laga soo doortay Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in doorashada Guddoonka Aqalka Sare la qaban doono 22-ka Bishaan aan ku jirno ee Janaayo ee 2017-ka.

Xigasho: Sonna