Imaaraatka oo ka hadlay Qarax Shalay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Imaraadka Carabta ayaa hadlay Qaraxa shalay lala eegtay kolonyo ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaasi oo marayay Duleedka Magaalada Muqidsho, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn deegaanka Sarkuusta.

Kolnyadan Qaraxa Miinada lala eegtay ayaa waxa ay isugu jireen Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo Gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka, waxayna kormeer ku sameynayeen xaalada dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Degaanka Garasbaley duleedka Muqdisho.

Qaraxa Miinada ah ee la doonayay in lagu dilo saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaanan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, inkastoo uu halkaasi ku gubtay Gaari ka mid ahaa kolonyada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fuleynimo ah oo uusan waxba u dhimi doonin howlaha gar gaarka ah ee Imaaraadka uu ku caawinayo shacabka Soomaaliyeed.