Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo nin ka mid ahaa raggii isku qarxiyay Agagaarka Hotel Peace ee Degmada Wadajir maalintii Isniinta ee todobaadkaan.
Sidoo kale Shabaabka waxa ay soo bandhigeen Wareysi maqal ah oo laga qaaday ka hor inta uusan isqarxin ruuxaasi, kaasi oo Wareysigiisa laga sii daayay Idaacada Andalus ee Afka Shabaab ku hadasha.
Shabaab ayaa magaca ninkaasi waxa ay ku sheegeen Maxamed Abuukar Calasow, u dhashay Abgaal, Daauud.
Ninka isqarxiyay ayaa Wareysiga laga qaaday waxa uu ku dar daarmayay, ragga kale ee Shabaab ka tirsan ee ka dambeeya inay naftooda u huraan sida uu isaga u huray.
Ma kala cadda ninkaan inuu yahay midkii kaxeynaayay gaariga yar ee Koontaroolka ciidanka ku qarxay iyo inuu yahay midka weyn ee ku qarxay agagaarka Hotel Peace.
Qaraxyadaasi oo ahaa kuwa aad u culus, waxaa ku dhintay Shan ruux oo labo ka mid ah yihiin ciidamada Dowladda, halka labo ruux ay yihiin kuwii naftooda haligay iyo ruux shacab ahaa, iyadoo dhismooyin badan ay dumeen.