Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta sheegay inuu mar kale isku sharxay xilka guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamanka cusub.
Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay “in codsiyo badan oo kasoo gaaray shacabka, xildhibaano iyo siyaasiyiin” oo ku aadan inuu is-sharxo kadib uu go’aansaday inuu mar kale dib isu soo taago.
Mr. Jawaari ayaa lagu tilmaamaa siyaasi dagan, waxaana xusid muddan inuu maareeyeen caqabadan oo ka horyimid intii uu gudoomiyaha ka ahaa Barlamaankii hore.
Xisbiga PDP ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in ay wataan labada Siyaasi ee kala Jawaar oo u sharax gudoomiyaha Barlamaanka iyo Faarax C/qaadir oo isna u sharaxan gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka.