Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay saldhig ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya.

Wararka Maanta

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab xalay waxaa duqeyn loo geystay saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel- Cali  ee gobolka Hiiraaan.

 Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla deegaanka Ceelcali ee duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

 Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dhowr madfac ay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidanka Itoobiya deegaanka Ceel Cali , islamarkaana ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

 Majiraan saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan oo ka hadlay madaafiic ay Al-Shabaab sheegayaan in ay ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee gobolka Hiiraan