Sawirro: Booqashada Madaxweyne Farmaajo magaalada Kismaayo

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo isaga oo u kuur galaya xaaladaha amni iyo nololeed ee dadka ku nool deegaannada Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa uga sii gudbay Jaamacadda Kismaayo oo xarun u ah Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xarunta Ciidamada Daraawiishta Jubaland.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha, oo isugu jira wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka ah, Xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Madaxweyne Farmaajo ku tago magaalada Kismaayo, todobaadkii hore ayaa madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlay munaasabadii caleema saarka madaxweynaha Galmudug ayuu ugu baaqay in madaxda Qaranku badiyaan safarada ay ku tagayaan gobolada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u booqday magaalooyinka Baydhabo, Afgooye iyo Cadaado.

FB_IMG_1496757881097 FB_IMG_1496757884772 FB_IMG_1496757888529 FB_IMG_1496757943556 FB_IMG_1496757891807 FB_IMG_1496757898618 FB_IMG_1496757912262 FB_IMG_1496757923867 FB_IMG_1496757928198 FB_IMG_1496757932134 FB_IMG_1496757947516 FB_IMG_1496757956926 FB_IMG_1496764406352 FB_IMG_1496757953841 FB_IMG_1496757950949 FB_IMG_1496757936668