Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug maamulka Puntland Aadan Nuur Qaal wuxuu xaqiijiyay inay hayaan warbixinno ku aadan weerarro ay qorsheynayaan inay fuliyaan al- Shabaab, isagoo la hadlay raadiyaha maxalliga ah ee Daljir wuxuu sheegay hay’adaha ammaanka inay ka feejiganyihiin weerarrada ka imaan kara al-Shabaab.
Dadweynaha ayuu ka dalbadey si dhow inay hay’adaha ammaanka ula shaqeeyaan oo ay ku soo wargaliyaan cid walba oo ay ka shakiyaan, waxaa kalo uu ku baaqay inan guryaha laga kireyn dadka aan la garaneyn.
Saacidihii ugu dambeyey ayaa waxaa magaalada Galkacyo qeybta ay Puntland maamusho Qarax lagula eegtay masuul ka tirsan Maamul degmada, waxaana qarax loogu xiray gaarigiisa. Alshabaab ayaa kordhiyey weerada ay ka geysanayaan magaalooyinka waaweyn Soomaaliya.
Waxaana sidoo kale Maraykanku soo saaray digniin ah in Muwaadiniintiisa aan howlaha muhiimka ah ka heyn isaga baxaan magaalada Muqdisho, taas oo muujinaysa in Maraykanku ka warhelay weeraro la maleegayo.