Dowlada Goboleedka Galmudug , ayaa tacsi u dirtay qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.
Marxuum Samatar oo dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.
Dowlada Goboleedka Galmudug ,ayaa marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo u soo qabtey islamarkaana ahay wadanii geesi ah.
“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada oo ay ugu horeyso Wasiirada Haweenka qaranka Somaaliyeed Marwo Sahra Cali samatar iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar. Waxaa uu ahaa waddani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika’’.
Dowlada Goboleedka Galmudug ,ahna ku simaha madaxweynaha Galmudug ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii qaranka somaaliya qaybihiisa kala duwan iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Comments are closed.