Al-Shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday Shabeelaha Hoose

Wararka Maanta

Ururka  Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad Drone  ah tasoo kusoo dhacday degaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarado ay kusoo dhacay meelo Beero ku yaallaan  oo ku dhow degaanka Mubaarak oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Waxay Shabaab ku sheegeen baraha ay wararka ku faafiyaan in diyaaradan laga leeyahay dalalka reer Galbeed ayna kusoo wargeliyeen dadka degaanka markii ay diyaaradaasi soo dhacday.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan burburka diyaaradaas Drone-ka ah.

Al-Shabaab ayaa horay usoo bandhigay diyaarado Nuuca wax basaasa ah kuwaa soo kusoo dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan baqdin badan ka qaba diyaaradaha Maadaama sanadyadii lasoo dhaafay ay beegsanaayeen diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka.