Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa goordhow gaaray Magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka Koofur Galbeed.
Xaaf iyo Gaas ayaa isla raacay hal diyaarad oo ka timid dhanka Magaalada Garoowe, waxaana diyaaradan Madaxda Galmudug ka qaaday garoonka Ugaas Nuur ee caaasimadda Dusmareeb.
Madaxweyne Xaaf ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Saadaq Sheekh Yuusuf, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, Madaxdaan ayaa ka qeyb galaysa Shirka ka furmaya Magaalada Baydhabo.
Shirkaan ayaa looga hadli doonaa saddex ajende oo waaweyn, oo kala ah: Amniga, Dhameystirka Dastuurka Federaalka iyo Qeybsiga Kheyraadka dalka.
Horey waxaa Baydhabo u gaaray Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hogaaminayey wafdiga DFS uga qeyb galaya shirkaas.