Akhriso magacyada xildhibaanada kusoo baxay doorashada aqalka hoose ee magaalada Jowhar

Wararka Maanta

Waxaa maanta magaalada Jowhar ka dhacday doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka imaanaya deegaanada HirShabeele, waxaana kusoo baxay ilaa seddex xildhibaan oo mid kamid ah haweeney aheyd.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka muddo badan ayaa waayay kursigii xildhibaanada ee beesha Makane, waxaana ku guuleystay C/fataax Qaasim Maxamed oo helay 33 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Cumar Cismaan Waasuge(Ringo) oo helay 30 ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele.

Kursiga seddexaad ayaa waxaa ku guuleysatay Farxiyo Muumin Cali oo heshay 40 cod halka Faadumo Khaliif oo la tartameysay ka heshay seddex cod.

Deegaanada HirShabeele ayaa sidoo kale waxaa laga sugayaa iney soo doortaan xildhibaano kale oo kamid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.