Wafdi kasocda Madasha xisbiyada Qaran oo u amba baxay bardaale

Wararka Maanta

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo sida qeybtii labaad gargaar ay ugu tala galeen dadkii ku barakacay fatahaadaha iyo roobabka ayaa u ambabaxay degmada Bardaale.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoggaaminaya wafdiga, waxaana la sheegay inay sidaan lacag gaareysa $100,000.

Shalay ayay aheyd markii wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay horkacayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay gaareen magaalada Beledweyne.

Magaalooyinka Bardaale iyo Beledweyne ayaa ka mid ah deegaanada ay saameynta ugu badan ku yeesheen roobabka iyo fatahaadaha, waxaana ku barakacay kumanaan qoys oo soo wajahay xaalado nolol xumo iyo hoy la’aan.